Masha Allah: Mid ka mid ah xiddigaha Arsenal oo diinta Islaamka qaatay

0
626

Waxaa saaka ilo wareedyo kala duwan soo daabaceen in cayaaryahanka khadka dhexe ee kooxda Arsenal iyo qaranka Ghana ee ThomasPartey uu qaatay diinta Islaamka.
Thomas Partey oo 28 sano jir ah ayaa Arsenal yimid xagaagii sanadkii 2020-kii, waxa uuna ka mid yahay xiddiga muhiimka ka ah shaxda kooxdaasi.
Waxaa saacadihii la soo dhaafay la soo baahiyay sawirka Partey oo ku sugan gudaha xafiiska mu’addin ka diiwangashan magaalada London waliba mid ka ah wadaadada maktabadda la haya kitaabka Qur’aanka kariimka .
Waxaa sawirka la soo raaciyay qoraal ah “waxaa mahadda iska leh Alle doona qofka uu hanuuniyo , waxaa maktabaddeena ku islaamay Partey oo ah shakhsi waji furan waliba akhlaaq badan, waxaan Alle weydiisaneynaa in uu ku nagaadiyo diinta islaamka”.
Sidoo kale Sheekh Muxamad Al-Azhari oo ah imaam, daaci iyo cilmi bare culuumta Islaamka kuna nool magaalada London ayaa shaaca ka qaaday in cayaaryahanka reer Ghana uu joogay xarunta Islaamka ee London, isagoo caddeeyay inuu qaatay diinta Islaamka waliba ay ku timid rabitaankiisa
Sidaas oo ay tahay Thomas Partey ma soo saarin xog ku aadan in uu qaatay diinta islaamka marka laga yimaado sawirkaas oo uu wax ka hayo kitaabka qur’aanka kariimka xilli dad kala duwan tilmaameen in saaxiibkiisa kooxda ee Mohamed Elneny uu qayb ka yahay tallaabadaan waa haddii ay rumoowdo .
Dhoola cadeynta laacibka ee sawirkan ayaa keentay in dad badan aaminaan in laacibka uu soo muslimay
Malmo ka hor ayay ahayd markii soo muslimay xiddigii hore kooxda Ac Milan iyo qaranka Holland ee Seedorf.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here