Maraykanka oo sheegay inuu kordhiyay tirada xayiraadaha ka dhanka ah madaxda soomaalida ee carqaladda ku ah dhameystirka doorashada

0
421

Ka dib markii dowladda Soomaaliya iyo qaar ka mid ah maamul goboleedyada ay ku guuldareysteen dhameystirka doorashada aqalka hoose oo ku ekayd 15-kii bishan ee Maarso, Mareykanka ayaa sheegay inuu kordhiyay tirada madaxda Soomaalida ah ee lagu soo rogay xayiraadaha fiisaha.
Wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Maraykanka ayaa sheegtay, in iyadoo raaceysa siyaasad ay ku dhawaaqay 8-dii bishii hore, oo qayb ka ah sharciga socdaalka iyo jinsiyadda, inay xaddideyso bixinta fiisaha kuwa la rumeysan yahay inay carqaladeynayaan hannaanka dimuqraadiyadda ee wadanka Soomaaliya.
“Mareykanka wuxuu si wayn u taageerayaa dadka Soomaaliyeed iyo sida ay uga go’an tahay dimuqraadiyadda, Waxaan kordhinayaa tirada shakhsiyaadka Soomaaliyeed ee lagu hayo xannibaadaha fiisaha, kuwaas oo ku howlan wiiqitaanka hannaanka dimuqraadiyadda Soomaaliya,” ayuu yiri xoghayaha arrimaha dibadda Maraykanka Antony Blinken
Inkastoo dhowrkii toddobaad ee la soo dhaafay horumaro laga sameeyay doorashada aqalka hoose lana doortay tiradii ugu badnayd ee baarlamaanka, haddana dowladda Maraykanku waxay sheegtay inay weli jiraan warbixinno lagu kalsoonaan karo oo ku saabsan khaladaad ka dhacay habraaca doorashada, Saxafiyiinta iyo xubnaha mucaaradka ah oo lagu sameeyay cagajugleyn, iyo xarig.
Ugu dambayn wuxuu sheegay Maraykanku inuu wadi doono siyaasadda isla xisaabtanka, tasoo uu sheegay in lagu taageerayo soo gabagabeynta degdegga ah ee hannaanka doorashada Soomaaliya si lagu kalsoonaan karo oo hufan.
Hasa ahaate Maraykanka ayaa ka gaabsaday inuu shaaciyo magacyada shakhsiyaadka uu kusoo rogay cunqabataynta dhinaca fiisaha dalka ku galka.