Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Caalamka Japan oo xannibtay hantida 17 qof oo u dhashay Ruushka

Japan oo xannibtay hantida 17 qof oo u dhashay Ruushka

Dowladda dalka Japan ayaa xannibaad dhanka hantida ah ku soo rogtay 17 shakhsi oo dheeraad ah kuwasoo dhalasho ahaan ka soo jeedo wadanka Ruushka.
Waxaa dadkan ka mid ah bilyaneer lagu magacaabo Viktor Vekselberg iyo xubnaha qoyska ee Yuri Kovalchuk oo ka mid ah maareeyaasha bangiyada maadaama uu aad ugu dhow yahay madaxweyne Vladimir Putin.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in 11 ka mid ah shakhsiyaadka ay Japan saartay xayiraadda hantiyeed ay xubno ka yihiin golaha hoose ee baarlamaanka Ruushka.
Si guud , Japan ayaa ilaa iyo hadda xayiraad saartay 61 Ruushiyaan ah ka dib markii dowladda dalkaasi ay duullaan militari ku qaadday Ukraine.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments