DHAGEYSO:Dowladda Soomaaliya oo ka jawaabtay hadal ka soo yeeray Imaaraatka Carabta

0
602

Dowladda Fedraalka Soomaaliya ayaa sheegtay in dalka isu tagga Imaaraatka Carabta abaabulayo dhibaataynta dadka Soomaaliyeed.
Bayaan kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha dibadda ee Imaaraatka Carabta ayaa waxa lagu sheegay inay ka walaacsan yihiin xaaladaha Soomaaliya kadib markii rabshado ay dhaceen taas oo ku timid awood loo adeegsaday dadka Shacabka ah.
Sidoo kale Imaaraatka carabta ayaa dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa uu ugu yeeray dowladda Kumeel gaarka ah, iyadoo Warbaahinta Caalamku aad u hadal hayaan.
Soomaaliya ayaa arintaas ku Tilmaamtay mid aan marna laga aamusi Karin.