DHAGEYSO:Cabdiraxmaan Maxamad Xuseen Odowaa oo markale xildhibaan loo doortay

0
623

Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug waxaa ka socda doorashada Saddex ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka ee Soomaaliya, iyada oo kursiga Koowaad la doortay.
Cabdiraxmaan Maxamad Xuseen (Odowaa) ayaa ku guuleystay kursiga tirsigiisu yahay #069 ee golaha shacabka ka dib markii uu u tanaasulay Maxamad Axmad Maxamad oo la tartami lahaa, wuxuuna helay 97 cod oo ah kooramka ergada fadhisay.
Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamad Xuseen Odowaa ayaa Guushiisa Ka dib Khudbad u jeediyay Ergadii Dooratay Iyo Martidii Ka Soo Qayb gashay Doorashadiisa.
Waxaa uu mahadceliyaay guud ahaan shacabka soomaalida iyo si gaar madaxweynaha maamulka Galmudug Axmad Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) oo uu sheegay in siyaasaad simaan uu ka hirgeliyaay galmudug xilligan doorashada.

Doorashada kursiga 069 ayaa waxaa horay ugu tanaasulay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda xilgaarsiinta Soomaaliya Cabdiraxmaan Sheekh Yuusuf Alcadaala, wuxuuna si hordhac ugu sii hambalyeeyay Odawaa oo Maanta la doortay.
Mar uu maanta warbahinta kasoo muuqday ayuu ka hadlay sabaabta keentay in uu ka tanaasulo u tartamida kursigaasi.
Al-cadaalada ayaa sheegay in uu la shaqeyn doono Odawaa oo kursigaasi ku guleystay maanta.
Waxuu intaasi ku daray in dadka kursiga leh ay mudanyihiin in loogu adeeggo sida ay u mudanyihiin balse aysaan mudneyn wax aysan iyaga shaqo ku lahayn.

Maanta ayaa qorshuhu yahay in Magaalada Gaalkacyo lagu doorto ilaa Saddex kursi oo ka mid ah Golaha Shacabka, waxaana harsan laba kursi oo kaliya.