DHAGEYSO:Maamulka gobolka Banaadir iyo wasaaradda caafimaadka oo shaqaalaha isbitaalka Martiini u mahadceliyay

0
524

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqudisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya Cumar Maxamuud Maxmad Cumar Filish ayaa agab lagula tacaalayo Cudurka Covid 19 ku wareejiyay isbitaalka Martiini oo ah Goobta koowaad ee dowlada Soomaaliya u qorshaysay la tacaalidda dadka uu Xanuunka soo ritay.
Guddoomiye Cumar Filish ayaa sheegay in shaqaalaha Caafimaadka ee Isbitaalka Martiini ka howlgala ay naftooda u hureen badbaadinta shacabka Soomalaiyeed isagoo uga mahadceliyay shaqada ay umadda u hayaan isagoo dhanka kale Guddoomiyuhu bogaadiyay Ciidamada amaanka Soomaaliya oo u u ku amaanay in shaqaaqooyinkii Maalinkii Jimcaha ka dhacay Magaalada Muqdisho ay Saacado Kooban ku soo afjareen.

Wasiirka wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Dowladda Soomaaliya Fowsia Abiikar Nuur ayaa guddoomiyaha Waxay ka Guddoontay Qalabka Caafimaadka waxayna shaqaalaha Isbitaal Martiini ay uga Mahadcelisay howl karnimadooda ay dadka Soomaaliyeed ugu shaqaynayaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here