DHAGEYSO:Puntland oo maanta isku keentay saraakiishii iyo ciidamadii ku dagaalamay Boosaaso

0
366

Waxaa Xarunta Madaxtooyada Puntland ee Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari kulan ku yeeshay Saraakiishii kala hoggaaminayay Ciidamadii ku dagaalamay Magaalada Boosaaso Bishii 12-aad ee sanadkii hore, iyo dhammaan Saraakiisha kala duwan ee Ciidamada Puntland.
Ujeedka kulanka ayaa ahaa sidii loo dhameyn lahaa loogana gudbi lahaa khilaafkii sababay gacan ka hadalka ee ka dhacay Magalada Boosaaso, kaas oo dhexmaray Ciidamada Puntland & kuwa PSF-ta, waxaana shirka guddoominayay Wasiirka Amniga Puntland Cabdisamad Maxamad ( Galan).
Saraakiil ka kala socday dhinacyada Ciidanka sida, PSF, PMPF , Boolis & Daraawiish oo kulanka goobjoog ka ahaa ayaa ku balamay sidii wadashaqeyntii jirtay dib loogu soo celin lahaa loogana gudbi lahaa xaaladihii Ciidanka dhexdooda ka dhacay.
Wasiirka Amniga Puntland Cabdisamad Maxamad ( Galan) oo shirka ka dib Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in shirkooda uu kusoo dhammaaday guul, islamarkaana dhammaan Ciidamada ay ku wada heshiiyeen inay ka wada qayb qaataan sugidda amniga iyo la dagaalanka Al-Shabaab iyo Daacish.
Waxaa uu u mahad celiyay dhammaan Saraakiisha kala duwan ee Ciidamada, isaga oo ka dalbaday inay ka gudbaan khalalaadkii ka dhacay Magaalada Boosaaso lagana wada Shaqeeyo sidii si isku mid ah u sugi lahaayeen guud ahaan amniga deegaannada Puntlnad.
Mar uu warbaahinta la hadlay ayuu yiri wasiirka wasaaradda amniga ee Puntland.

Dagaalkii ka dhacay Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari ayaa waxaa uu salka ku haayay ka dib markii uu Madaxweynaha Puntland xilkii ka qaaday Agaasimihii ciidamada PSF-ta Maxamuud Cismaan Diyaano ,balse uu kasoo horjeestay, waxaana dagaalkaas iyo in Agaasimihii PSF xilkiisa lagu soo celiyo xal ka gaaray Isimada Dhaqanka Gobolka Bari.