Madaxweynaha dalka oo ku baaqay in xayiraadda laga qaado Zimbabwe

0
381

Madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta ayaa beesha caalamka ka codsaday inay meesha ka saarto xayiraadda horay loogu soo rogay wadanka Zimbabwe.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in cunaqabateynta ay saameyn ku yeelatay dhaqaalaha dalkaasi.
Madaxweyne Uhuru Kenyatta waxaa uu sharci darro ku tilmaamay xayiraadda saaran Zimbabwe isagoo dadweynaha halkaasi ku nool iyo dowladoodu u xaqiijiyay in Kenya ay sii wadi doonto u ololeynta sidii looga dul qaadi lahaa cunaqabateynta beesha caalamka.
Hoggaamiyaha dalka ayaa sheegay in culeysyada ay hadda wajahayso dowladda Zimbabwe ay ka dhasheen go’aamo sida uu hadalka u dhigay caddaalad darro ah oo la qaatay.
Arrintan ayuu Mr. Kenyatta ka hadlay xilli uu shalay madaxtooyada wadanka looga arrimiyo ee State House uu kulan kula qaatay dhigiisa Zimbabwe Emmerson Mnangagwa oo Axaddii Kenya ku yimid safar rasmi oo saddex cisho ah.