Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in doorshooyinka faragelin shisheeye lagu hayo

0
536

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay walaaca ay muujiyeen qaar kamid ah dowladaha Caalamka iyo ururada ay Soomaaliya ka tirsan tahay, kadib Shaqaaqooyinkii ka dhacay magaalada Muqdisho ee Caasimada ah.
War-Saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ay la socdaan walaaca dowaldaha Caalamka ee la xiriira arrimaha dorashooyinka Soomaaliya ee uu khilaafka ka taagan yahay.
“warka ka soo baxay Wasaarada arimaha dibada Soomaaliya ayaa lagu yiri Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxay soo dhaweyneysaa walaaca ay muujiyeen ummadaha aan walaalaha nahay iyo Ururada ay ka tirsan tahay Soomaaliya, kuwaasoo soo saaray bayaanno ku saabsan ismariwaaga siyaasadeed ee haatan jira ee la xiriira hirgelinta doorashada oo waafaqsan mowqifka Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Sidoo kale War-saxaafadeedka ayaa waxaa lagu sheegay in dowaldda Federaalka ay diyaar u tahay, baahida loo qabo in la dhammaystiro arrimaha haray ee ku saabsan heshiiska siyaasadeed ee 17-kii Sebtember isla markaana lagu xalliyo dhammaan arrimaha taagan si nabad ah wadahadal ah.
“Si loo raadiyo geeddi-socodka lagu xoojinayo Dimuqraadiyeynta, Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxay billowday siyaasad ay ku dejiso qaab doorasho oo dadka Soomaaliyeed u suurtagelin lahayd inay u codeeyaan labadooda wakiilladooda baarlamaan iyo Madaxweynaha dalka ayay sheegtay dowladu.
Ayadoo intaas ku dartay in doorasho taariikhi ah oo hal qof iyo hal cod ah aan lagu guuleysan diidmada qaar ka mid ah madaxda dowlad goboleedyada xubnaha ka ah Federaalka awgood. Iyadoo la daneynayo in la gaaro is afgarad, Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay ogolaatay soo jeedin ay soo jeediyeen hoggaamiyaasha Dowladaha xubnaha ka ah Federaalka 17kii Sebtember si loo qabto doorasho dadban,Danta Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa weli sii jirta si ay u qabato doorasho ku dhisan is-afgarad, loo dhan yahay, iyo hufnaan ayaa warsaxaafadeedka lagu yiri.
Sidoo kale Wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa Tilmaamtay inay nasiib darro tahay in heshiiskii doorashada, iyadoo dowladda ay diyaar u tahay inay wax ka qabato tabashooyinka, haddana saameynta xoogagga dibedda ayaa weli caqabad ku yihiin dhammaystirka heshiiska si loogu gogol xaaro doorashada.
Wasaarada arimaha dibada ayaa sheegtay inay wax laga xumaado tahay, maalmo ka hor shirkii la soo jeediyay ee madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya iyo madaxda dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka ay ku taageeraan Gudigii farsamada, ay musharixiinta u taagan xilka madaxweynenimo doorteen inay hareer maraan howsha si ay u maraan waddo sharci darro ah iyo kacdoon hubaysan oo loo ekeysiiyay banaanbax nabadeed.
Ugu dambeyn Wasaaradda Arrimaha dibadda iyo Iskaashiga Caaalamiga ah ee dowlada Fedraalka Soomaaliya ayaa sheegtay in shirkii uu ku baaqay Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo ay aqbaleen Madaxweynayaasha Saddex maamul goboleed halka laba kale ay weli ka maqan yihiin Magalada muqdisho, waxaana ay ugu baaqday inay shirka kasoo qeyb-galaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here