Jubbaland ayaa ku eedeysay maamulka gobolka Gedo inuu awood ciidan u adeegsaday wafdi ra’iisul wasaaraha Soomaaliya u soo magacaabay inay qiimeyn ku sameeyaan doorashada magaalada Garbahaareey.
Wasiiru dowlaha amniga Jubbaland Maxamad Cabdi Kaliil ayaa sheegay in tagniko dagaal iyo ciidamo la geeyay garoonka diyaaradaha ee Garbahaareey si looga hortaggo imaanshaha guddiga.
Waxaa uu ku tilmaamay arrinta ka dhacday gobolka Gedo arrin iska cad oo la doonayo in Jubbaland la galiyo colaad iyo qalalaase islamarkaana la doonayo in Jubbaland oo Garbahaareey ka maqan la qabto doorasho aan sharciyad haysan, sida uu hadalka u dhigay.
“Garoonkii waxaa lala galay gaadiidka tegniko ah, Xitaa waxaa la diiday in diyaaradaha rayidka ah ay kasoo dagaan garoonka, Shacabkii oo afduuban baa la bannaan bixiyay, Sharciyadii dalka gacantaa lagu qaatay, Midaasna ma ahan wax shaqeynaya,”ayuu yiri wasiir dowlaha amniga Jubbaland.
Waxaa uu dhanka kale dowladda federalka Soomaaliya ku eedeeyay in aysan diyaar u ahayn inay fuliso heshiiskii doorashada gobolka Gedo, oo ah in maamulka Jubbaland loo madax bannaaneeyo doorashada gobolkaasi.
Dhinaca kale maamulka Jubbaland ayaa lagu eedeeyay inuu laftiisa qayb ka yahay arrimaha ka jira gobolka Gedo.
Waxaa madaxweynaha Jubbaland uusan weli soo magacaabin guddoomiyihii degmada Garbahaareey ee bulshada u gudbisay.
Home Wararka Soomaaliya Jubbaland oo maamulka gobolka Gedo ku eedeysay in ay Garbaahareey u diideen...