Ciidamo ka gadooday in dad gaar ah loo xiro kuraasta golaha shacabka ee taalla Hirshabeelle

0
418

Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan waxaa lagu arkay meelo ka mid ah Ciidamo ka gadoodsan in kursi ka mid ah Golaha Shacabka loo xiray musharrax gaar ah, kuwaas oo sheegay inay kasoo horjeedaan.
Ciidamada oo wata hubka noocyadiisa kala duwan ayaa lagu arkay gudaha Magaalada, iyaga oo sheegayay in marnaba aysan aqbaleyn in kursiga tirsigiisu yahay #010 loo xiro musharrax gaar ah, waxaana kursigaas ku fadhiya Cabdrisaaq Maxamad (Jindi).
Qaar ka mid ah horjoogayaasha Ciidamada oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay doonayaan in kuraasta taalla Beledweyne si xor iyo xalaal ah loo qabto, islamarkaana qof walba oo kuraasta doonayo uu u tartamo.
Waxaa ay sheegeen in ay maqleen in kuraasta qaar dad loo xiray, hayeeshee taasi ay ka xigaan inay dagaalamaan, waxaana baaq ay u direen Madaxweynaha Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe iyo ku xigeenkiisa.
Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa Magaalada Beledweyne laga dareemayay dhaqdhaqaaqyo Ciidan ka dib markii ay soo baxeen in kuraasta qaar loo xirayo musharrixiin gaar ah oo ay wataan Madaxda Sare ee Maamulka Hir-Shabeelle.