Soomaaliya iyo Jabuuti oo codeeyay qaraar lagu cambaareynayo Ruushka

0
487

Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti ayaa ka mid noqday 141-ka wadan oo caalamka ka tirsan, kuwaas oo u codeeyay qaraar lagu cambaareynayo duullaanka Ruushka ku qaaday dalka Ukraine.
Codeynta ayaa dhacday xilli uu socday kalfadhi gaar ah oo ay yeesheen golaha guud ee QM ee UNGA.
Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay ayaa dalbaday in si degdeg ah dhammaan ciidamada Ruushka looga saaro dhulka Ukraine.
Afar waddan ayaa Ruushka ku biiray codeynta ka dhanka ah qaraarka, waxayna kala yihiin – Belarus, North Korea, Eritrea iyo Syria, halka 35 waddan oo kalena ay ka aamuseen cambaaraynta qaraarka.
Imaaraatka Carabta iyo Israa’iil oo ah labada saaxiib ee Mareykanka oo horay loogu dhaliilay inay diideen inay ka hadlaan duullaanka Ruushka, ayaa sidoo kale doortay inay u codeeyaan qaraarka.