Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya Wakiillada beesha Caalamka oo kulan ka leh xaaladda cakiran ee dalka Soomaaliya

Wakiillada beesha Caalamka oo kulan ka leh xaaladda cakiran ee dalka Soomaaliya

Wakiilada Beesha Caalamka ee Soomaaliya ee C6+ ayaa shir ku leh Xalane ee Magaalada Muqdisho, iyaga oo shirkooda uga hadlaya xaaladaha kasoo cusboonaaday Magalada muqdisho.
Xubnaha Beesha Caalamka ayaa horay walaac uga muujiyay xaalada kajira dalka iyo khilafka ka taagan doorashooyinka, waxaana la filayaa inay go’aano la xiriira arrimaha Soomaaliya inay soo saran.
Kulankaan ay leeyihiin Wakiilada Beesha Caalaamka ayaa kusoo aaday xilli xiisada siyaasadeed ee dalka ay cirka isku shareetay, kaddib markii shaqaaqooyin sababay dhimasho iyo dhaawacay shalay iyo habeen hore ka dhaceen Muqdisho.
Xubnaha Midowga Musharixiinta Madaxweynaha ayaa shalay, iyaga oo Warbaahinta la hadlayay waxaa ay ugu baaqeen Beesha Caalamka inay isha ku hayaan tallaabooyinka uu qaadayo farmaajo, isla markaana aysan ku taageerin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments