Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya Maamulada Puntland & Jubbaland oo u yeertay xubnihii guddiyada farsamo ee ka...

Maamulada Puntland & Jubbaland oo u yeertay xubnihii guddiyada farsamo ee ka joogay Muqdisho

Madaxweynayaasha maamulada Jubbaland iyo Puntland iyo Jubbaland ayaa la sheegay in aysan ka qeb-geli doonin shirkii uu dhawaan isugu yeeray Madaxda dowlad Goboleedyada & Gobolka Banaadir Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi farmaajo.
Warar soo baxayay saacadihii la soo dhaafay ayaa sheegayay in labada Madaxweyne ay shuruud ku xireen ka qeyb-galka shirka, taas oo ay ugu weyn tahay inay korjoogto ka noqdaan Xubno ka tirsan Wakiilada Beesha Caalamka.
Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in go’aan Maanta kasoo baxay labada Madaxweyne lagu amray xubnaha wasiirada ah ee ka tirsanaa Guddigii ku shiray Baydhabo ay dib ugu laabtaan magaalooyinka Kismayo iyo garoowe.
Xubnaha Puntland ugu jiray Guddiga farsamada ayaa waxaa ay kala yihiin, Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhamancad & wasiirka Warfaafinta Puntland Cabdillaahi Cali Xirsi (Timacade) halka Jubbaland ay ka socdeen Xirsi Jaamac Gaanni: Wasiiru-dowlaha Madaxtooyada Jubbaland & Mursal Maxamed Khaliif: Wasiirka Caafimaadka Dowlad-goboleedka Jubaland.
Wararka soo baxay ayaa sheegaya in labada wasiir ee ka socday maamulka Jbbaland ay Maanta dib ugu laabteen Magaalada Kismaayo ee Xarunta KMG ah ee Maamulka Jubbaland, kuwaas oo kala ah Xirsi Jaamac Gaanni: Wasiiru-dowlaha Madaxtooyada Jubbaland & Mursal Maxamed Khaliif: Wasiirka Caafimaadka Dowlad-goboleedka Jubaland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments