Warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya inuu Is-fahan la’aan uu kusoo dhammaaday kulankii dhexmaray Madaxweynaha dowlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo Agaasimihii uu xilka ka qaaday ee ciidamada PSF-ta Maxamuud Cismaan Diyaano.
Kulanka oo ahaa mid albaabada u xirnaayeen ayaa waxaa la sheegay in la isku fahmi waayay qodobbadii looga hadlaayay, islamarkaana lagu kala tegay, iyada oo kulankaas Agaasime Diyaano ku wehlinaayeen Isimo uu hoggaaminayo Boqor Burhaan Boqor Muuse.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in Madaxweynaha Puntland Saciid Deni uu kulanka inta uu socday uu Agaasimihii uu xilka qaadista ku sameeyay ee Maxamuud Cismaan ka codsaday inuu marka hore aqbalo xilka qaadista, uuna wareejiyo.
Ilo-wareedyo lagu kalsoonaan karo oo soo xigtay Isimo ka qayb ahaa kulanka ayaa tilmaamay in Agaasime Diyaano uu kasoo horjeestay Codsiga uga yimid Madaxweyne Deni ee ahaa inuu xilka wareejiyo, si loogu fuliyo wixii uu rabo.
Maxamuud Cismaan Diyaano ayaa dhankiisa dalbaday in Madaxweynaha Puntland uu aqbalo go’aankii u dambeeyay ee soo saareen Isimada Gobolka Bari, ka dibna la xalliyo wixii khilaaf ah ee jira.
Go’aankaas ayaa ahaa in Diyaano loo daayo Agaasimaha ciidamada PSF-ta ee Puntland.
Si kastaba ahaate waxaa dhowr jeer fashilmay isku dayo lagu doonayay in lagu xalliyo khilaafka ka dhashay xilka qaadistii uu Madaxweynaha Puntland Saciid Deni ku sameeyay Agaasimihii Ciidanka PSF, iyadoona arrintaas ay sababtay dagaal khasaaro badan dhaliyay.