Qoraal ay soo saareen midowga musharixiinta oo lagu sheegay inay sii wadi doonaan banaanbaxyada

0
607

Golaha Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay inay sii wadi doonaan bannaanbaxyada, si ay shacabka u muujiyaan rabitaankooda iyo in dalkaasi aysan ka abuurmin diktaatooriyad ama kaligii taliye.
Qoraal kasoo baxay Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa waxaa lagu sheegay in dagaallkii ka dhacay Muqdisho iyo weerarkii lagu qaaday Xubno kamid ah Midowga Musharixiinta uu mas’uul ka yahay Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday ee Maxamad Cabdullaahi Farmaajo oo ay sheegeen in uu rasaaseeyay dad si nabad ah u banaanbaxayay.
“Golaha Midowga Musharaxiinta waxay horay u aaminsanaayeen haddana u cadaatay in Madaxweyne hore Farmaajo uusan nabad iyo xasillooni u rabin dalka Soomaaliya, daacadna ka aheyn inuu galo doorasho loo siman yahay, waxay maaweelayaashiisa siyaasadeed iyo hawadiisa beenta ah tustay in awoodda dalka xoog ku heysan karo sharci darrana ku sii joogi karo ayaa lagu yiri” Qoraalka Musharixiinta..
Ugu dambeyn waxaa ay sheegeen in Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamad Cabdullaahi Farmaajo u arkaan in uu yahay dambiile Qaran uusan sinabada qeyb uga noqon karin xal u helida siyaasadda dalka Soomaaliya ee kala-guurka ah, loona diido in uu ka qeyb-galo doorashada sida uu qabo Dastuurka Kumeel gaarka ah.
Dhinaca kale waxaa maanta degan xaalada Guudd ee degmooyinka Gobolka Banaadir oo shalay kujiray xaalado dagaal iyo dibadbaxyo rabshado watay, waxaana dhamaan furan waddoyinka magaalada, iyada oo gaadiidka dadweynaha iyo kuwa gaarka loo leeyahay ay si caadi ah u socdaaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here