Dowladda Soomaaliya oo waxba kama jiraan ku tilmaantay heshiis kasta oo ay wada galaan Somaliland iyo Taiwan

0
439

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ka hadashay wadahadallada ku aadan heshiis ay kala saxiixdaan Somaliland iyo Taiwan, waxaa ay heshiis kasta oo ay labada dhinac wada galaan ku tilmaantay in uu yahay waxba kama jiraan.
Danjire Cawaale Cali Kulane oo ah Safiirka dowladda Soomaaliya u fadhiya Shiinaha ayaa sheegay in aysan jirin dunida cid aqoonsan Somaliland iyo Taiwan midna, Isagoo Somaliland ku tilmaamay gobol goonni u goosad ah oo ka tirsan Jamhuuriyadda Soomaaliya islamarkaana aan haysan sharciyad uu heshiisyo kula galo dowlado kale.
“Waanu cambaaraynaynaa qaabka ay Taiwan ula dhaqanto Somaliland, waxaanu mar walba ilaalin doonaa madax-banaanida qaranka Soomaaliya iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya” ayuu yiri safiirka.
Hadalka Safiirka ayaa imaanaya, iyadoo Xukuumadda Somaliland ay waday waayahaan qorsho ay heshiis kula saxiixaneyso Xukuumadda iyadana ah gooni u goosadka ee Taiwan.