FaahFaahin: Shil khasaaro gaystay oo ka dhacay caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho

0
507

Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Shil sababay dhimasho iyo dhaawac oo fiidnimadii xalay ka dhacay waddada aadka u mashquulka badan ee Maka Al-Mukaramah  gaar ahaan Isgoyska Shaqaalaha ee Magaalada Muqdisho.
Shilkan ayaa waxaa uu yimid, ka dib markii gaari nooca aan xabbada karin ee loo yaqaano Bullet-proof uu ku farriin goostay banaanka hore ee Makhayaad lagu magacaabo Mr. Fruto oo ku taalla laamiga dhinaciisa ee Isgoyska Shaqaalaha.
Inta la xaqiijiyay hal qof ayaa ku geeriyooday shilkaasi, halka shan qof kalena ay ku dhaawacmeen, kuwaasi oo durbadii looga cararay Isbitaalo, si xaaladdooda Caafimaad loogu dabiibo, oo haatan lala tacaalayo.
Darawalka waday gaariga proof-ta ahaa ayaa waxaa la sheegay inuu xakameyn waayay gaariga oo ku socday xawaare dheereeya, islamarkaana uu darawalka lugta la waayay bareega gaariga, sidaasina uu ku galay makhaayadda Mr. Fruto oo horteeda fadhiyeen dad farabadan oo halkaas ku caweynayay.
Magaalada Muqdisho ayaa waxaa xilliyada qaarkood ka dhaca shilal kala duwan oo gaystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac, waxaana inta badan loo sababeeyaa shilalka Caasimadda ka dhaca darawalada oo gaadiidka xawaare sare ku wada.