Roman Abramovich oo iska wareejiyay kooxda Chelsea

0
634

Milkiilaha kooxda Chelsea Roman Abramovich ayaa soo saaray qoraal rasmi ah uu ku caddeynayo inuu iska wareejiyay mas’uuliyadda maamulka kooxda Chelsea madaama uu ka mid yahay bilyaneerada Ruushka ee gacan saarka la leh madaxweyne Vladamir Putin ee xayiraadda dhaqaale la dul dhigay.
Waxaa uu sheegay inuu mas’uuliyadda kooxda Chelsea ku wareejinayo maamulka jimciyadda tabarucaada Chelsea taasoo ka dhigan in wax walba oo la xiriira maamulka iyo dhaqaalaha kooxda ay maamuli doonaan mas’uuliyiinta jimciyadda tabarucaada Chelsea kuwaasoo iyagana lacagta faa’iidada ah wax ugu qaban doono bulshada.
Waxaa soo baxayay maanta warar sheegaya in Chelsea la xaraashayo balse qoraalkan uu soo saaray Abramovich ayaa u muuqda inuu weli rajo ka leeyahay in kooxda dib loogu soo celin doono marka xaaladda siyaasadeed iyo tan dagaalka ay degto.
Qoraalka uu soo saaray wuxuu ku yiri: “Ku dhawaad muddadii 20-ka sanno ahayd ee aan ahaa milkiilaha Chelsea FC, waxaan mar walba doorkeyga u arkayay inaan ahay qofkii ilaalinayay oo xanaaneynay kooxda, waxay shaqadeydu ahayd inaan Chelsea ka dhigo mid guuleysata sida ay maantaba tahay iyo inaan u dhisno mustaqbalka.
“Waxaan mar walba qaadanayay go’aano ay dani ugu jirto kooxda, Weli waan u heelanahay howshii aan qabanayay, Waana sababta aan maanta kooxda ugu wareejinayo mas’uuliyiinta jimciyadda tabarucaada Chelsea.
“Waxaan aaminsanahay inay haatan yihiin kuwa taagan booska ugu habboon ee lagu eegi karo danta kooxda ciyaartoyda, shaqaalaha iyo taageerayaasha.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here