Golaha wadatashiga qaran ee Soomaaliya oo mar kale muddeeyay doorashada golaha shacabka

0
363

War-saxaafadeed ka soo baxay xalay shir ay barta fogaal aragga ee Zoomka ku yeesheen xubnaha Golaha Wadatashiga qaran, ayaa isku raacay in mar kale dib loo muddeeyo xilliga ay ku soo gabagaboobeyso doorashada Golaha Shacabka ee dalka Soomaaliya.
Taas oo ay isku raaceen in kursiga u dambeya la doorto ka hor 15 Maarso.
Maanta ayay ahayd xilligii uu ku ekaa muddeyntii hore ee ay u sameeyeen in doorashadani ku soo gabagabowdo, Iyada oo ilaa iyo hadda xubnihii gobollada Waqooyi oo keliya la dhammeystiray.
“Duruufo yimid oo saddex arrimood ay ugu waaweyn yihiin ayaa dib u dhaca keenay midda koobaad oo ah abaaraha iyo saameynta ay waddanka ku yeelatay gaar ahaan dowlad goboleedyada ay doorashooyinka ka dhacayaan, xaalado dhanka ammaanka ah oo deegaan doorashooyinka qaarkood saameysay oo carqalad abuuray iyo sida oo kale dhaqaalihi looga tala galay in doorashada lagu socodsiiyo oo meelaha qaarkood sidi loogu tala galay aan loo helin ayaa keenay in doorashada dib loo muddeeyo,” ayuu yiri wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta ee Soomaaliya Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala oo la hadlay laanta afka soomaaliya ee BBC-da.
Doorashada aqalka hoose ee Soomaaliya oo lagu waday in maanta la soo gabagabeeyo waxaa ilaa iyo hadda la doortay 175 xildhibaan iyada oo ay harsan yihiin ku dhawaad 100 xildhibaan.