UK iyo Canada oo cunaqabatayn saaray taliyaasha militariga Myanmar

0
684

Dowladaha Canada iyo Ingiriiska ayaa xayiraado ku soo rogay taliyaasha ciidamada militariga ee wadanka Myanmar ka dib afgembigii ay talada dalkaas kula waregeen horraantii bishan.
Boqortooyada Ingriiska ayaa shaacisay in xayiraadda ay tahay mid lagu xannibayo hantida iyo dhaqdhaqaaqa saddex taliyaal halka Canada ay tallaabo ka qaadayso 9 mas’uul oo sare oo ka tirsan ciidamada gaashaan dhigga ee Myanmar.
Xoghayaha arrimaha dibadda ee Ingiriiska Dominic Raab ayaa sheegay inay Khasab tahay in ciidamadu lagula xisaabtamo xadgudubyada ka dhanka ah xuquuqul aadanaha iyo dimuqraadiyadda ee ay gaysteen.
UK ayaa xayiraad saartay madaxa militariga dalkaas Min Aung Hlaing, oo ay ku eedeysay inuu ku xadgudbay xuquuqda bulshada muslimiinta Rohingya iyo qowmiyadaha kale ee laga tirada badan yahay.
Dalalka reer galbeedka ayaa cambaareeyay afgembigii dhacay iyo xarigii lagula kacay mas’uuliyiin ay ka mid tahay Aung San Suu Kyi , falalkan oo dibadbaxyo waaweyn ay ka dhasheen.
Dhanka kale dowladda Japan ayaa sheegtay in ay Maraykanka India iyo Australia ku waafaqday in si degdeg ah dib loogu soo celiyo hannaankii dimuqraadiga ee Myanmar.