Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Maxamad Xuseen Rooble ayaa kulan la qaatay Odayaasha dhaqanka ee ka soo jeeda Gobolka Gedo, islamarkaana uu hoggaaminayay Ugaas Maxamad Ugaas Xaashi.
Kulanka ayaa looga hadlay doorashada Garbahaarey sida ay u dhici lahayd, islamarkaana looga gudbi lahaa caqabadaha hortaagan doorashada.
Rw Rooble ayaa ballanqaaday inuu hirgelinayo heshiiskii 17 -kii September uuna dhameynayo caqabadaha doorashada ku hor gudban laguna qabanaayo Garbahaarey oo aysan ka hareyn deegaannada labaad ee doorashada lagu qabtay.
Odayaasha ayaa ku qancay ballanqaadka ra’iisul wasaaraha, waxaa ayna uga mahadceliyeen sida uu soo dhaweeyay, islamarkaana cabashadooda uu u dhagaystay.
Wararka ayaa sheegaya in rw Rooble lagu wado inuu tago degmada Garbahaarey si uu halkaas uga hirgeliyo qabsoomida doorashada.