Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya Qarax Khasaaro dhaliyay oo goor dhaweyd ka dhacay magaalada Kismaayo ee Xarunta ku meel gaarka u ah maamul Goboleedka Jubblanad.
Wararkii ugu dambeeyay ee Kismaayo laga helayo ayaa sheegaya in Qaraxa oo ahaa mid jugtiisa si wayn looga maqlay Magaalada.
Qaraxa ayaa ka dhacay Xaafadda Calanley ee Kismaayo.
Waxaa la sheegay in Qaraxa, si gaar ah loola beegsaday Sheekh caan ah oo lagu magacaabo Cabdinaasir Xaaji Axmad, kaasi oo sida la sheegay gaarigiisa loogu xiray Qaraxa.
Alle ha u naxariistee Sheekh Cabdinaasir Xaaji Axmad oo ka mid ahaa culimada waa wayn ee Soomaalida, ayaa fadhigiisu waxaa uu ahaa magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool, waxaana dhawaan uu tagay magaalada Kismaayo.
Wali lama helin faahfaahin intaasi ka dheeri ah oo ku aaddan qaraxan, waxaana sidoo kale la ogayn, tirada dadka kale ee ku waxyeeloobay.