Magaalada Kismaayo ee xarunta maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland, waxaa ka socda doorashada kuraas ka mid ah Golaha Shacabka ee baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya, iyada oo goor dhow la doortay kursigii ugu horreeyay 5 kursi ee maanta doorashadooda la qabanayo.
Kursiga tirsigiisu yahay 072 ayaa waxaa mar kale ku guuleystay Cabdirashiid Maxamad Xidig oo horay ugu fadhiyay, isaga oo la tartamay Cabdisamad Maxamad Cabdullaahi.
Cabdirashiid Maxamad Xidig ayaa helay 75 Cod halka musharrixii la tartamayay uu helay 18 Cod, waxaana halaabay laba Cod, sida uu shaaciyay guddiga doorashooyinka Jubbaland.
Waxaa uu maanta qorshuhu yahay in magaalada Kismaayo lagu qabto doorashada 5 kursi oo ka mid ah golaha shacabka Soomaaliya.