Qaramada Midoobay oo war ka soo saartay xaladda magaalada Muqdisho ee maanta

0
655

Jimciyadda Qaruumaha ka dhaxeyso ayaa ku baaqday in si deg deg ah loo xoojiyo isku dhacyada ka socday Magaalada Muqdisho saacadihii lasoo dhaafay.
Waxay sidoo kale ku baaqday QM in la isku yimaado shir deg deg ah oo looga hadlaay xaaladda hadda dalka Soomaaliya ka taagan.
Warka ka soo baxay Jimciyadda Qaruumaha ka dhexaysa ayaa lagu yiri Bahda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxay aad uga walaacsan tahay iska horimaadyadii hubeysnaa ee Muqdisho ka dhaca xalay iyo saakay oo jimco ah, waxayna ugu baaqeysaa deganaan iyo is xakameyn dhinacyada ay khuseyso, waxayna ku boorrineysaa inay furnaato wadada wadahadalka si loo yareeyo xiisadaha taagan.
QM ayaa sheegtay in xaalada taagan iyo isku dhacyada ka dhacay caasimadda ay muujinayaan sida loogu baaha yahay in degdeg loogu qabto kulan ay isugu yimaadaan Madaxda Dowladda Federaalka iyo kuwa Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Federaalka si ay heshiis siyaasadeed uga gaaraan hirgalinta qaabkii doorasho ee 17-kii Sebteembar.
Saaka Waxaa lagu waabariistay ayadoo ay xiran yihiin qaar ka mid ah waddooyinka Magaalada Muqdisho, goobaha ugu badana lagu arkayay Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda dhexe ee Soomaaliya.
Gawaarida gaashaaman ee ay leeyihiin Ciidamada Gorgor ayaa lagu arkayaa agagaarkaTaalada Daljirka Dahsoon iyo waddooyin kale ee Magaalada Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here