Madaxweyne Deni: Heshiiska uu wasiirka batroolka uu saxiixay waa mid halis ku ah qaranimada Soomaaliya

0
403

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa ku tilmaamay heshiiskii shidaal baarista ah ee uu saxiixay wasiir ka mid ah xukuumadda xilgaarsiinta Soomaaliya, inuu yahay heshiis halis ku ah qaranimada Soomaaliya.
Waxaa uu sheegay in ay arrintan horay uga digeen, isagoo sheegay in ay marwalba ku celcelinayeen in talada dalka aysan noqon mid lala caro islamarkaana ay koox yar masiirka ummadda sida ay ka rabto ka yeesha, sida uu hadalka u dhigay.
Deni ayaa sheegay in Puntland ay mas’uuliyad iska saarayso sidii loo sixi lahaa waxyaabaha qaldan, si buu yiri talada dib loogusoo celiyo shacabka.
“Dowladda aan ku tashanayno waa dowladda aad aragtaan ee wasiirkeedii uu heshiis saxiixayo, madaxweynihiina uu beeninayo, waxaan rabnaa inaan qayb ka noqono sidii isbeddel degdeg ah loogu sameyn lahaa dowladdaas,” ayuu yiri Deni.
Madaxweyne Deni ayaa hadalkaan ka sheegay xilli uu safar ugu ahaa magaalada Boosaaso halkaas oo uu u tagayo doorashada aqalka hoose.