Madaxweynaha Puntland oo sheegay in wax ka beddel lagu sameeyey heshiiskii dekedda Boosaaso ee DP World

0
354

Madaxweynaha maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in wax ka beddel lagu sameeyay heshiiskii dekedda Boosaaso ee DP World islamarkaana dekedda lagu wareejinayo shirkad cusub oo ay boqolkiiba 25 leedahay xukuumadda inta kalena ay leedahay DP World.
“Shirkaddii P&O waa ku fashilantay dekedda, waxaan ku wareejinay shirkad aan 25% ku leenahay oo cusub inta kalena ay leedahay DP-world” ayuu yiri madaxweyne Deni.
Waxaa uu intaasi ku daray in heshiiskii hore ee Shirkadda lala galay uu ahaa mid qabyo ah, balse wax ka beddelka lagu sameeyay ay sababtay in meelo dekadda aan wax uga soo xeran jirin inay uga soo xirmaan.
Shirkadda DP World iyo Xukuumadda Puntland ayaa sanadkii 2017-kii waxaa ay galeen heshiis la xiriira horumarinta dekadda Boosaaso balse heshiiskaas uusan hirgelin.