Kiambu: Laamaha ammaanka oo soo baadbaadiyay 108 Itoobiyaan ah oo u afduubnaa koox dadka tahriibisa

0
422

Dambi baarayaal ka tirsan waaxda DCI-da ayaa soo badbaadiyay 108 qof oo dhalasho ahaan ka soo jeeda dalka Itoobiya kuwaasoo dhibbanayaal uu ahaa koox dadka tahribiisa.
Waaxda DCI-da ayaa laga soo xigtay in shakhsiyaadkan oo ku sugnaa guri ku yaalla deegaanka Kirigiti ee ismaamulka Kiambu ay kasoo badbaadiyeen dambi baarayaal ka tirsan waaxda dambiyada caalamiga.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in muwaadiinitan u dhashay dalka Itoobiya, ay da’adooda u dhexeyso 13 ilaa 35 sano ayaa iyagoo murug ay ka muuqaato dhamaantood ku jireen hal qol.
Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in 108 qof ay u afduubnaayeen koox dadka tahribiisa.
Laamaha ammaanka ayaa howlgal qorsheysnaa oo ay fuliyeen ayaa u suurtagashay inay gacanta ku dhigaaan 4 qof oo lagu tuhunsan yahay ka inay ku lug leeyihiin falalka sharci darrada ah ee tahriibinta.
Dhibbanayaasha iyo tuhmanayaasha ayaa lagu xiray saldhigyo kala duwan, si su’aalo loo weydiiyo, iyagoona loo mari doono habraacyo dhanka sharciga ah