Guddiga Maamulka Doorashada ee Hirshabeelle ayaa Shahaadada Musharraxnimada Guddoonsiiyay dhamaan Murashaxiinta u Tartamaya kuraastii guddigu u shaaciyay taariikhdu markii ay ahayd 15-kii bishan.
Guddigan oo aan shaacin magacyada musharaxiinta u tartamaysa lixdan kursi, ayaa hase ahaatee waxaa ka mid ah Agaasimihii hore ee NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir oo gaaray shalay magaalada Beledweyne, halkaasoo maanta la filayo inuu ka soo qaato Kursiga #HOP086 oo uu Sideedii sano ee la soo dhaafay ku fadhiyay Faarax C/qaadir.
Fahad ayaa la aaminsan yahay inuu kursigan u doontay si uu ugu helo Xasaanad uu gabbaad ka dhigto, ugana sii mid ahaado Siyaasadda, waxaa la hadal hayaa inuu isku sharraxi doono xilka Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka, kaasoo ah bilowga isku dayga ay dowladda Qatar ku dooneyso in saameynteeda siyaasadeed ee Arrimaha Soomaaliya ku sii xoojiso.
Musharrixiinta shahaadada guddoomay ayaa u tartamaya kuraasta hoos ku xusan;
HOP#008
HOP#015
HOP#074
HOP#086-Fahad Yaasin
HOP#109
HOP#274.
Home Wararka Soomaaliya Doorasho maanta ka dhaceyso Beledweyne iyo Fahad Yaasiin oo la guddoonsiiyay shahaadada...