Rw Rooble oo qaadacay heshiiska cusub ee shidaalka ee shirkadda Itoobiya

0
798

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamad Xuseen Rooble ayaa qaadacay Heshiiska Cusub ee Shidaalka.
Qoraal kasoo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa lagu yiri “Heshiiska la sheegay in Wasiirka Batroolka uu saxiixay ee la xiriira arrimaha Shidaalka Soomaaliya waa mid sharci darro ah oo aan loo marin waddo sharci ah sidaas darteed waxba kama jiraan.
“Ra’iisul wasaaraha ayaa qaadi doonaa tallaabooyin sharci ah oo looga jawaabayo falkaas xadgudubka ku ah Hantida Qaranka iyo dhaxalka Jiilalka soo socda si loo ilaaliyo ammaanada Ummadda Soomaaliyeed”

Dhanka kale Shirkaddaan oo aad u daneysa inay baarto saliida gobolka Geeska Afrika ayaa heshiisyadaan ay la saxiixatay wasaaradda batroolka iyo macdanta Sooomaaliya waxuu u oggolaanayaa inay shidaal ka baarto gunta hoose ee biyaha Soomaaliya.
Richard Anderson, oo ah madaxa fulinta xeebaha ee shirkadda Coastline Exploration Limited ee dalka Itoobiya ayaa faahfaahin ka bixiyay heshiiska ay la galeen wasaaradda batroolka iyo macdanka ee xukuumadda Soomaaliya.
“Soomaaliya waxaa ku yaalla ceelal dihan oo aad u badan, kuwaas oo aan weli la sahmin, kuna yaalla biyaha kulul ee adduunka, waxaa sharaf iyo farxad noo ah inaan qayb ka noqono horumarinteeda mustaqbalka,” ayuu yiri Madaxda shirkadda ay heshiiskaan la gashay wasaaradda batroolka.
Waxaa uu intaasi ku sii daray, “Dowladda Soomaaliya iyo Wasaaradda Shidaalka ayaa wakhti iyo juhdi badan ku bixiyay sidii dalku u heli lahaa kaabayaal sharci iyo maamul oo ku habboon in lagu taageero baarista shidaalka iyo gaaska, iyadoo la meel marinayo sharciga Shidaalka, ansixinta heshiiska Dakhli qaybsiga ee Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah iyo in la dhiso Hay’adda Batroolka Soomaaliyeed si ay taageero joogto ah ugu bixiso kobaca la filayo.”