Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Warbixinno Dheeraad ah Ilmo yar oo la waayay laba sano ka hor oo laga dhex...

Ilmo yar oo la waayay laba sano ka hor oo laga dhex helay jaraanjar hoosteeda iyada oo nool

Ilmo la sheegay in la waayay sanadkii 2019-kii iyadoo 4 sano jir ah ayaa laga helay jaraanjaro alwaax ka sameysan hoosteeda iyada iyo hooyadeed oo badqaba ama nool.
Waxaana la sheegay in marar badan aysan hooyada gabadheyda wakhti la qaadan jirin ka hor inta aan la waayin.
Saraakiisha booliska ay baadhigoobka gabadhan ku howlanaa ayaa muddo laba sano ka dib guuleystay inay soo helaan ilamaha yar ee muluqa ah.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in saraakiisha ay marar badan tageen goobta ay gabadha yar kasoo heleen.
Booliska ayaa ilmaha yar magaceeda ku sheegeen, Paislee Joann Shultis, oo hadda 6 sano jir ah, ayaa la sheegay in la waayay 13-kii bishii Toddobaad ee sanadkii 2019-kii, xilligaasi oo laga keenay tuulo ku taalla duleedka magaalada New York ee dalka Mareykanka.
Wakhtigaas, waxaa la rumeysan yahay in ay afduubteen waalidkeed oo inta badan kala maqnayeen sida ay boolisku sheegeen.
Paislee iyo hooyadeed ayaa la helay maalinkii Isniinta ee toddobaadkan, ka dib markii baarayaashu ay arkeen labo cagood oo yaryar oo ag yaalla jaranjar hoosteed oo ay labadooda ku hoos jireen.
Dadka deegaanka ee ka ag dhawaa goobta laga helay labada qof oo ayaa booliska u sheegay in waligood aynan maqal codka gabadha yar iyo hooyadeed.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in la xiray waalidiinta gabadha yar, si dhacdadaan tafaasiil dheeraad ah looga ogaado, ka dibna dacwad lagu soo oogo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments