Madaxweynaha dalka oo Brussels uga qayb gelaya shirka Midowga Afrika iyo Midowga Yurub

0
357

Madaxtooyada dalka looga arrimiyo ee State House ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in madaxweynaha wadanka Uhuru Kenyatta la filayo inuu maanta gaaro magaalada Brussels ee dalka Belgium.
Waxaa uu halkaasi uga qayb geli doonaa shirka 6-aad ee u dhexeya Midowga Afrika( AU) iyo Midowga Yurub (EU).
Mr. Kenyatta ayaa ka mid ah hoggaamiyaasha qaaradaha Afrika iyo Yurub ee Brussels ku shiri doono muddo labo cisho ah.
Kulanka ayaa soconaya maanta oo khamiis ah iyo berri.
Hoggaamiyaha Kenya ayaa la filayaa inuu berri kaalin ka qaato guddoominta kal-fadhi looga hadli doono wax soo saarka beeraha iyo horumarka waara.
Safiirka dowladda Kenya ku matalo dalka Belgium Prof. Jacob Kaimenyi ayaa shirka ku tilmaamay mid aad muhiim u ah.
Waxaa uu xusay inay ku kulmayaan in ka badan boqolkiiba 90 ee madaxda dowladaha Afrika ama wakiiladooda.
Prof. Kaimenyi ayaa intaasi ku daray in madaxweyne Kenyatta iyo hoggaamiyaasha kale ay ka wada hadli doonaan sare u qaadidda maaliyadeed , nidaamyada caafimaadka , soo saaridda tallaalka , waxbarashada , dhaqanka iyo tababarrada farsamo.
Shirka ayaa looga gol-leeyahay xoojinta iskaashiga istaraatiijiga ee u dhexeya Midowga Afrika iyo Midowga Yurub gaar ahaan dhinacyada ganacsiga, maalgashiga , la tacaalidda caqabadaha ka jiro caalamka ee isbeddelka cimillada, cudurka COVID-19, nabadgalyada iyo amniga.