Darasaad lagu ogaaday in William Ruto uu yahay musharraxa ugu taageerada badan

0
412

Ra’yi uruurin ay sameysay shirkadda darasaadka ee (TIFA) ayaa tilmaamaysa in madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto uu yahay musharraxa xilka madaxtinimo ee ugu taageerada badan.
Boqolkiiba 38.7 ee dadka la wareystay ayaa sheegay inay 9-ka bisha siddeedaad ee sanadkan u codeyn doonaan Ruto halka boqolkiiba 27 ay sheegayaan inay codkooda siin doonaan madaxa xisbiga ODM Raila Odinga.
Sidoo kale TIFA ayaa ogaatay in caannimada madaxa xisbiga Wiper Kalonzo Musyoka ay tahay boqolkiiba 2 halka dhigiisa ANC Musalia Mudavadi sida uu caan uga yahay saaxadda siyaasadeed lagu sheegay boqolkiiba hal.
Boqolkiiba 41 ee dadka ka qayb qaatay darasaadkan ayaa sheegay inay jeclaan lahaayeen in xildhibaankii hore ee deegaanka Gatanga Peter Kenneth uu xilliga doorashada guud ku xigeen u noqdo Raila Odinga.
Sidoo kale boqolkiiba 18 ayaa doonaya in Kalonzo Musyoka uu markii saddexaad xilka madaxtinimo uga tanaasulo Raila.
Warbixinta waxaa ku cad in caannimada William Ruto uunan waxba iska beddelin tan iyo bishii 11-aad ee sanadkii hore halka taageerada shacabka ee Raila Odinga ay korortay boqolkiiba 4.
Boqolkiiba 20 ee dadka la wareystay waxay sheegeen inaynan weli go’aansan musharraxa madaxweyne ee ay u codeynayaan halka boqolkiiba 10 ay ka gaabsadeen.

Marka la eego gobolka bartmaha dalka , William Ruto waxaa taageersan boqolkiiba 49 iyadoo Raila ay taageeradiisa gobolkaasi tahay boqolkiiba 20 sida laga soo xigtay shirkadda darasaadka ee TIFA.