Alle ha u naxariistee waxaa ku geeriyooday israsaaseyn Magaalada Beledweyne ku dhexmartay Ciidamada Booliska Beledweyne iyo kuwa sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad, taliyihii Booliska magaaladaasi Maxamad Duurdage.
Israsaaseynta ayaa goobjoogayaal waxaa ay sheegeen inay ka dhacday gudaha Saldhigga Booliska ee Magaalada Beledweyne.
Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya sababaha keenay isku dhaca labada Ciidan, waxaana mararka qaar weli la maqlayaa rasaas goos goos ah oo u dhexeysa Ciidamada Booliska Beledweyne iyo kuwa Haramcad.
Xaaladda Magaalada Beledweyne ayaa Maanta kacsan, waxaana dagaalka si wayn looga dareemay Xaafadaha kala duwan ee Magaaladaasi ee xarunta Gobolka Hiiraan.