Mahad Salaad oo mar kale loo doortay kursi xildhibaan oo hadal hayn dhaliyay

0
641

Waxaa goor dhow Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug kusoo dhammaatay doorashada kursi ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya.
Doorashada kursiga tirsigiisu yahay 147 ayaa waxaa ku tartami lahaa Shamso Cabdullaahi Maxamad iyo Mahad Maxamad Salaad oo 9-kii sanno ee lasoo dhaafay ku fadhiyay kursigan, balse waxaa tartanka ka hartay Shamso Cabdullaahi.
Ergada doorashada oo ahayd 101 ergo ayaa Cod gacan taag ah ugu Codeeyay Mahad Maxamad Salaad inuu mar kale noqdo Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka, wuxuuna helay Mahad Salaad dhammaan codadkii gacan taaga ahaa ee ergada doorashada.
Guddiga doorashada Maamulka Galmudug ayaa ku dhawaaqay in doorashada kursiga tirsigiisu yahay 147 uu kusoo baxay Mahad Maxamad Salaad.
Kursiga 147 ayaa waxaa Musharraxiintii dooneysay sanadkan ka mid ahaa Guddoomiye ku xigeenka amniga Maamulka Gobolka Banaadir Cali Cabdi Wardheere (Cali Yare) oo loo diiday inuu ka dhoofo Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.