Wasiirkii wasaaradda qorsheynta Galmudug Cabdinaasir Cilmi ayaa ka hadlay sababihii keenay inuu iska casilo xilkii uu hayay, islamarkaana ka tanaasulay musharraxnimadiisii kursiga tirsigiisu yahay 147, ka dib markii wasiirka uu sheegay in kursiga loo xiray qof gaar ah.
Waxaa uu eedeymo kala duwan u jeediyay madaxweynaha maamulka Galmudug Axmad Cabdi Kaariye Qoor Qoor , wuxuuna yiri, “Qoor Qoor aragti kama laha cidda uu madaxweynaha Soomaaliya la rabo, Ra’iisul wasaarihii deegaanka kasoo jeeday dagaal buu kula jiraa”.
Waxaa uu intaasi ku daray “Kursiga waxaa laga dhigay mid uu nin jeebka ku wato, waxaana lagu dulmiyay beelihii lahaa kursigaasi”.
Wasiirka ayaa sheegay in markii ugu dambeysay ee uu la fariistay madaxweyne Qoor Qoor uu si cad ugu sheegay in kursiga uu qof u ballanqaadday, uuna kursiga ku siinayo dariiq kasta, isaga oo sida uu wasiirka sheegay wacad ku maray in waraaqda diiwaangelinta uu ka hor istaagi doono dhammaan musharrixiinta kursiga danaynaya.
Waxaana Kursigan maanta oo ay doorashadiisu ka dhacday magaalada Dhuusamareeb kusoo baxay Mahad Salaad oo horay ugu fadhiyay.
Dhanka kale maalmo ka hor ayay ahayd markii guddoomiye ku xigeenka amniga gobolka Banaadir Cali Cabdi Wardheere laga celiyay garoonka Aadan Cabdulle Cusmaan xilli uu u safrayay Galmudug si uu isugu diiwaangaliyo kursiga 147.