In ka badan 18 qof oo ku dhimatay daadad saameeyay Brazil

0
695

Ugu yaraan 18 qof ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen dalka Brazil ka dib roobab xooggan oo ka da’ay magaalada Rio de Janeiro kuwaasoo sababay daadad iyo dhul go’.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in laga cabsi qabo in tirada dhimashada ay sii kororto.
Madaxweynaha Brazil Jair Bolsonaro, oo safar ku joogo Ruushka ayaa barta Twitter-ka ku sheegay inuu hay’adaha dowladda ku amray inay si degdeg ah taageero u gaarsiiyaan dadka ay saameynta ka soo gaartay daadadka iyo dhul go’a.