Macallimuu “Mucjiso ayay ahayd sidii aan uga badbaaday qaraxii la ila beegsaday”

0
525

Afhayeenka xukuumadda Soomaaliya, Maxamad Ibraahim Macallimuu, ayaa markii ugu horreysay ka hadlay faahfaahinta qaraxii lala beegsaday 16-kii bishii hore ee ka dhacay magaalada Muqdisho.
Macallimuu oo waraysigii ugu horreeyay tan iyo markii uu dhaawacmay siiyay laanta afka soomaaliga ee BBC-da, ayaa sheegay in marka la eego xajmiga qaraxa uu fuliyay qofka dili rabay iyo masaafada kooban ee uu u jiray, ay tahay wax mucjiso ah sida uu uga badbaaday.
Xaaladdiisa caafimaad ayaa hadda soo hagaagaysa, waxaana muddo ku dhow lagu daweynayay isbitaal ku yaalla Istanbul ee dalka Turkiga.
“Waxaan ka jabay bowdada midig iyo gacanta, firirna jirka ayuu iga galay, Hadda waxaan isku dayaa in aan socdo, maalinba maalinta ka dambeysa xaaladeydu way soo fiicnaaneysaa,” ayuu yiri Macallimuu.
Waxaa uu si faahfaahsan uga warramay qaraxii lala beegsaday iyo xaalka sida uu ahaa subaxaas.
“Markii aan gurigeyga ka soo baxayay waxaan ahaa qof faraxsan oo shaqadiisa u socda, laakiin ilbiriqsiyo gudahood ayay xaaladdu is beddeshay, Wiil aan adeer u ahay oo gaariga darawal ka ahaa ayaa igu yiri soo deg waan baxaynaa,” ayuu sheegay Macallimuu.
Waxaa uu tilmaamay in ninka isku qarxiyay uu aad ugu dhawaa, awoodda Alle oo keliya na ay badbaadisay.
Waxaa uu sheegay in markii uu qaraxa dhacay ka dib ay niyaddiisa u sheegtay in ugu yaraan qayb kamid ah jirkiisa uu ka go’ay.
Sidoo kale waxaa uu tilmaamay in xaalad ka adag tan maanta Muqdisho ka jirta uu ku soo shaqeeyay, sidaa awgeedna uu ku qanacsan yahay dalkiisa, uuna rajeynayo in xaaladda amni ay wanaagsanaan doonto.
Maxamad Ibraahim Macallimuu ayaa sheegay in uu weli u taagan yahay kursi ka mid ah Golaha Shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya oo deegaan doorashadiisu tahay Hirshabelle.