Booliska Soomaaliya oo faahfaahiyay sababtii Cabdiweli Muudey loogu diiday in uu aado Baraawe

0
500

Taliska Booliska Soomaaliya ayaa caddeeyay sababtii Guddoomiye ku xigeenkii koowaad ee Baarlamaanka waqtigu ka dhammaaday Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudey looga celiyay Garoonka diyaaradaha Muqdisho, xilli uu doonayay in uu u duulo Magaalada Baraawe ee maamulka Koonfur Galbeed.
Booliska ayaa faahfaahin ka bixiyay sababta rasmga ah iyo waxyaabaha uu salka ku hayo is hor istaagga lagu sameeyay socdaalka Guddoomiye Muudey.
Afhayeen u hadlay Booliska ayaa sheegay in Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudey uu Ciidamo farabadan la tagay garoonka, sidaa darteedna aysan macquul ahayn in hub iyo Ciidan intaa la eg ay ka baxaan garoonka xilli doorasho xasaasi ah ay socoto.
Waxaa uu intaa ku daray in wax ka badan 5 Askari aan la oggolayn in ay raacaan musharrixiinta kuraasta u doonanaya dowlad Goboleedyada, isagoo intaa ku daray in Ciidanka boolisku ay ka war heleen Ciidamada uu wato Muudey sidaa darteedna ay joojiyeen.
”C/weli Muudeey waxa uu watay ciidan tira badan oo sita hub culus, musharraxiinta laga ma ogolaan doono saanad ciidan iyo hub culus in ay la tagaan goobaha doorashada waxaa loo ogol yahay 3-ilaa 4-Askari” ayuu yiri Afhayeenka u hadlay Booliska.
Shalay ayay ahayd markii garoonka diyaaradaha Aadan cadde laga celiyay Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee baarlamaanka waqtigiisu dhammaaday, waxaana xigtay in maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ay soo saaren amar ku aaddan in deegaanada KGS aan lala imaan karin ilaalo iyo hub, goobaha ammaanka doorashooyinkana ay sugayaan Ciidan ay maamulku diyaariyeen.