Maxay kawada hadleen Guudlaawe iyo saraakiishii golaha kacdoonka Hiiraan?

0
553

Madaxweynaha maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Hirshabelle Cali Guudlaawe Xuseen oo safarka ku joogo magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan islamarkaana uu wehliyo ku xigeenkiisa, Yuusuf Dabagwwd ayaa la kulmey Korneyl Nuur Dheere, xildhibaano iyo saraakiil kale.
Korneylka ayaa ka mid ahaa saraakiisha ciidanka booliiska dowladda Hirshabelle, iyadoo sida uu sheegay uu ka raali geliyey Madaxweyne Guudlaawe khilaafkii soo kala dhex galay.
Nuur Dheere, ayaa balan qaadey inuu maamulka ula shaqeynayo si buuxda.
Madaxweynaha Hirshabelle ayaa dhawaan halkaasi tagay, iyadoo marar kala duwan oo hore ay u suurigali weysay tagista magaalada Beledweyne.