Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya Ciidamo uu hoggaaminayo Gen Indhacadde oo la wareegay taalada daljirka-daahsoon

Ciidamo uu hoggaaminayo Gen Indhacadde oo la wareegay taalada daljirka-daahsoon

Ciidamada gaarka ah ee Midowga Musharaxiinta ayaa caawa la wareegay Taalada Daljirka Dahsoon ka dib markii dowladda Soomaaliya ay kasoo jawaabi weysay baaqii Musharaxinta ee ahaa in hay’addaha Ammaanka ay suggaan Ammaanka banaanbaxayaasha.
Ciidamadaan ayaa waxaa hoggaaminaya Generaal Yuusuf Siyaad Indhacadde, waxaana uu warbaahinta u sheegay in Ammaanka madaxda iyo shacabka ay sugi doonaan.
Waxaa uu sheegay in dalku yahay Dowlad la’aan, Madaxweyne Farmaajo na uu xilku ka dhacay haddana uu kursiga Madaxweynanimo uu khalad ugu fadhiyo.
Waxaa uu intaa ku daray in Madaxweynuhu uu sifo aan sharci ahayn uu ku jooga Madaxtooyada dalka Soomaaliya.
Waxaa u sidoo kale sheegay in ay Ciidankiisu wadan baaritaanno ay ka sameynayaan aagga Daljirka oo uu sheegay in Ciidamadiisu ay si gaar ah ula wareegeen ammaankeeda, iyadoo berri la filayo in Taalada Daljirka Daahsoon uu ka dhaco bannaanbax ay hoggaaminayaan Musharixiinta Mucaaradka ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments