Golihii garsoorka ee dalka Tunisia oo dib loo soo celinaya

0
298

Wasiirka cadaaladda ee Tunisia Leila Jaffel ayaa sheegtay in madaxweynaha wadankaasi Kais Saied uu dib u sii dhisi doono golihii ugu sarreeyay waaxda cadaaladda wadankaasi ee dhawaan meesha laga saaray.
Waxay carrabka ku adkeysay in aan golaha gebi ahaan la baabi’in doonin.
Tallaabadii uu maalmo ka hor qaaday hoggaamiyaha Tunisia ayaa dhalisay cambaareyn caalami ah.
Wareysi ay bixisay wasiiradda ayay ku sheegtay in madaxweynaha uu u xaqiijiyay inuu difaaci doono golaha caddaaladda oo uu ku tilmaamay mid dastuuri oo qaabilsan madax bannaanida hannaanka garsoorka ee dalkaasi.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here