Doorashada kuraas aan lagu tartamin oo ka dhacday Muqdisho

0
498

Guddiga hirgelinta doorashooyinka Gobollada Waqooyi ee Soomaaliland ayaa Maanta hoolka dugsiga tababarka Janeraal Kaahiye ee Magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya ku qabtay doorashada 5 kamid ah kuraasta Golaha Shacabka.
Kursiga Koowaad ee Hop#205 oo ay ku fadhisay Sahro Cabduqaadir Cabdiraxmaan ayaa waxaa Maanta ku guuleystay Axmad Cabdi Kooshin oo mar soo noqday agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaashaandhigga ka dib markii ay tanaasushay Muno Xuseen Faarax, waxaana cod gacan taag ah oo loo qaaday uu helay 99 Cod.
Kursiga labaad HOP#263 ayaa waxaa markale ku guuleystay Muuse Saciid Jaamac oo horay ugu fadhiyay ka dib markii ay u tanaasushay Khadra Cabdi Maxamad oo la tartami lahayd, waxaana cod gacan taag ah oo loogu codeeyay uu helay dhammaan codadka ergada oo dhanaa 101 Ergo.
Kursiga Saddexaad ee HOP#240 oo ay horay ugu fadhisay Suri Diiriye Carab waxaa ku guuleystay Cali maxamuud Aadan ka dib markii ay u tanaasushay Marwo Rooda Maxamuud Axmed, waxaana cod gacan taag ah oo loogu codeeyay uu helay 98 Cod, waxaana ka aamusay 2 ruux.
Kursiga Afaraad ee Hop#271 oo uu ku fadhiyay Cabdiraxmaan Maxamuud Caateeye ayaa waxaa Maanta ku guuleystay Cali Cabdi ibraahim ka dib markii ay ku tartamida kursiga ka tanaasushay Marwo farxiya Obsiiye Wacays, waxaana Ergada oo Cod gacan taag ah ugu codeeyay uu helay 90 Cod halka ay ka aamuseen Saddex Ruux.
Kursiga Shanaad ee Hop#241 oo uu ku fadhiyay Cabdirisaaq Daahir Maxamuud ayaa Maanta waxaa ku guuleystay Cabdiqani Ismaacil Saciid ka dib markii ay ka tanaasushay tartanka Doorashada Marwo Ayaan Ismaaciil Cabdi, waxaana cod gacan taag ah uu ku helay 91 Cod halka ay ka aamuseen 9 Ergo.
Dhammaan doorashadii Golaha Shacabka ee Maanta lagu qabtay dugsiga tababarka Janeraal Kaahiye ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay ahayd mid aan lagu tartamin.