Wararka laga helayo magaalada Baraawe ee gobolka Shabeellada Hoose, ayaa sheegaya in tiro hoobiyayaal ah lagu weerarray xaafado ka tirsan magaaladaasi, xili ay halkaasi ka bilaabatay doorashada xildhibaannada Golaha Shacabka ee Barlamaanka Federaalka Soomaaliya sida laga soo xigtay dad ku sugan Baraawe.
Hoobbiyayaasha oo ku dhacay xaafaddo u dhow halka doorashadu ka dhacayso, ayaa la soo weriyay inay dhaliyeen dhimashada ugu yaraan labo qof iyo dhaawaca lix kale, sida uu warbaahinta u sheegay qof goobjooge ah.
Isgaarsiinta magaalada ayaa la damiyay taasoo adkeysay in xog faahfaahsan laga helo weerarka hoobiyayaasha ah ee maanta lagu qaaday magaalada Baraawe.
Ilaa shan xildhibaan ayaa illaa hadda la doortay iyadoo qorshuhu ahaa in maanta la doorto toddobo xildhibaan.
Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarka Baraawe ka dhacay, sidoo kale ay suurtagalin in la helo xog badan oo ku saabsan khasaaraha magaaladaas ka dhacay sababo la xiriira taleefanadda magaalada oo aan shaqaynaynin.
Wararka ayaa dhanka kale sheegaya in la joojiyay doorashadii halkaasi ka socotay, k adib madaafiicdii ku dhacday meel ku dhow xarunta madaxtooyada Baraawe oo ay codeynta ka socotay.
Home Wararka Soomaaliya Madaafiic lagu weerarray Baraawe xilli doorashadii halkaasi ka socotay la hakiyay