DHAGEYSO:Madaxweynaha dalka oo hoggaamiyaasha ugu baaqay inay mudnaanta siiyaan danta shacabka

0
509

Madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta ayaa hoggaamiyaasha siyaasadeed ku boorriyay inay mudnaanta koowaad siiyaan ka shaqeynta danaha shacabka oo aynan ka hor marin kuwa iyaga gaarka u ah.
Mr. Kenyatta ayaa xusay inay lagama maarmaan tahay in mas’uuliyiinta ay iska ilaaliyaan kala qaybinta bulshada iyo adeegsiga aflagaaddada.
Xilli uu kulan la qaatay madaxda ismaamullada gobolka xeebta ayuu madaxweyne Kenyatta ku celceliyay in haddii aynan midnimo jirin ay adkaanayso in wadanka uu horumar wax ku ool ah ku tallaabsado.
Madaxweynaha ayaa dadweynaha kula taliyay inay si aad ah uga fiirsadaan shakhsiyaadka ay u dooranayaan xilalka kala duwan ee hoggaanka.
Uhuru ayaa carrabka ku adkeeyay in siyaasad xumo aan lagu xallin karin caqabadaha wadanka ka jiro ee ay saboolnimada ka midka tahay.