Koox hubaysan oo masjid Afgooye ku yaalla dad ku dilay

0
739

Wararka ka imaanaya degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada hoose ayaa sheegaya in Kooxo ku hubeysnaa Bustoolado ay degmadaasi xalay ka gaysteen weerar ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Kooxaha hubeysnaa ayaa galay Masjidka Raqayle ee degmada Afgooye oo wabiga kaabiga ku haya, iyagoo rasaas ku furay qaar ka mid ah dadkii ku jiray gudaha masjidka.
Wararka la helay waxay tilmaamayaan in weerarkaas uu ku dhintay hal Ruux halka laba kale ay ku dhaawacmeen, kuwaasoo ka mid ahaa dadka ku nool degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose, iyadoo kooxdii weerarka gaysatayna ay goobta ka baxsadeen.
Ciidamo ka tirsan Booliska degmada Afgooye ayaa tagay Masaajidka ay mashaqadu ka dhacday, iyagoo howlgal ka sameeyay Aaga uu dilka ka dhacay, waxaana weli la ogeyn sababta loo beegsaday dadkaasi, iyadoo horay loo dilay Imaamkii Masaajidka iyo Wiil uu dhalay oo mu’adin ka ahaa.
Maamulka degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaan weli ka hadlin weerarkaas, waxaana degmada Afgooye ka mid tahay goob mar badan ay dilalka iyo weerarrada kale ka dhacaan.