Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya DHAGEYSO:Dowlada Soomaaliya oo Maamul Goboleedyada Gaarsiinaysa Agabyo

DHAGEYSO:Dowlada Soomaaliya oo Maamul Goboleedyada Gaarsiinaysa Agabyo

Kulanka Guddiga Qaran ee xakamaynta xanuunka COVID-19 ayaa xalay lagu qabtay Aadala ( ZOOMKA) waxaana Guddoomiyey Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ( Khadar).
Shirka ayaa looga hadlay ka hortagga, la tacaalidda cudurka Corona Virus iyo sidii agab xanuunka lagula tacaalo loo gaarsiin lahaa xarumaha Caafimaadka ee Maamul-gobolleedyada wadanka ka jira.
Shirka oo habeen walba la qabto ayaa waxaa uu kusoo aaday xilli uu Soomaliya gaar ahan magaalada Caasimada ah ee Muqdisho kusoo laba kacleeyay cudurka, isla markaana la diiwaanegliyay kiisas farabadan ayadoo dhanka kalena ay jiraan dad badan oo Cudurka u dhintay iyo kuwo wali Xarumaha Caafimaadka lagula Tacaalayo.
Dhanka kale Muxiyadiin Xasan Afrax oo ka mid ah Hogaanka Ururada Bulshada Rayidka Soomaaliyeed ayaa Miodwga Musharaxiinta Soomaaliya ugu baaqay inay Joojiyaan Banaanbaxyada Lagu Baaqay maadaam sida uu sheegay ana Waqtigii Lasameenlahaa Banaanbxaas hada la joogin oo dalka Soomaaliya oo hada wajahayo Xaalado aad u Sareeya oo Cudurka Covid 19 loona baahan yahay in Bulshada la badbaadiyo maadaam dad badan ay Cudurka u dhinteen Maalmihii la soo dhaafya.

Dhanka kale Xubno ka tirsan Siyaasiinta ka soo jeeda Gobolada Waqooyi oo Maanta shir ku Qabtay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay inaysan wax Heshiis ah oo laga gaaray arintii horay la isku hayay ee gobolada Waqooyi Xubnaha laga so dooranayo.
Prof:Cabdi Cismaaciil Samatar oo warbahainta la hadlay ayaa sheegay inay jiraan qodobo xal u baahan oo sida uu hadalka u dhigay la iska indha Tirayo wuxuuna soo dhaweeyay Mudaharaadka ay ku dhawaaqeen Musharaxiinta.
Waxay sheegeen Siyaasiintaa Gobolada waqooyi ka soo jeeda in shirarkii dhacay Magaalooyinka Dhuusamareeb,Muqdisho iyo Baydhabo ay ahaayeen kuwo aan laga qabayngalen qaar ka mid ah beelaha Soomaalida.
Gudoomiyaha Aqalka sare ayaa sheegay in mudo 4o Cishe ah lagu Xiray Soomaaliland isagoo midnimada Umada Soomaaliyeed Raadinaya.

Qaar ka mid ah shacabka Muqdisho ayaa sheegay inay guryahooda isaga barakacayaan maadaama ay ka cabsi qabaan in baanaanbaxa la shaaciyay uu rabshado isku badalo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments