Madaxweynaha maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen oo sanad iyo bar ka dib markii la doortay tegay magaalada Beledweyne ayaa halkaasi ka bilaabay kulamo kala duwan.
Waxaa uu la kulmay ku xigeenkiisa Yuusuf Axmad Hagar Dabageed iyo guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan, waxaana kulamada looga hadlayay xal ka gaarista tabashada ay qabaan dadka ku nool Magaalada Beledweyne.
Waxaa sidoo kale kulamada looga hadlay arrimo ku saabsan doorashooyinka sida habka loo wajahayo doorashada 25-ka kursi ee taalla Beledweyne iyo sidii loo adkeyn lahaa amniga magaaladaasi loona fulin lahaa howlgallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.
Saacadaha soo socda ayaa lagu wadaa in madaxweynaha dowlad goboleedka Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe Xuseen in uu la kulmo odayaasha iyo waxgaradka Beledweyne, isaga oo ka dhageysan doona warbixino la xiriirta tabashada ay qabaan iyo baahiyaha ka jira magaaladaasi.