Madaxweynaha Hirshabeelle oo gaaray Beledweyne, xilli madaafic laga maqlay garoonka

0
600

Wararka ka imaanaya magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, ayaa sheegaya in goor dhaweyd uu halkaasi gaaray madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen.
Ammaanka ayaa si wayn loo adkeeyay, iyadoo ciidamada dowladda gaar ahaan kuwa Haramcad iyo Gorgor la dhigay waddada garoonka ku xirta bartamaha magaalada, iyo inta badan xaafaddaha Beledweyne.
Ilo warreedyo ku sugan Beledweyne, ayaa warbaahinta u sheegay in laga maqlay dhowr qarax, aaga uu ku yaalo garoonka diyaaradaha ee Beledweyne, ka hor inta aanu gaarin Gudlaawe.
Wasiirka aminga ee Hirshabeelle Maxamad Kheyre oo ku sugan garoonka Beledweyne sida uu sheegay ayaa bartiisa Facebook-ga ku qoray in wax dhib ah aanu ka jirin garoonka, isl markaana ay yihiin been abuur warrarka laga faafiyay garoonka.
Waa safarkii ugu horreeyay ee madaxweyne Cali Guudlaawe ku taggo Beledweyne tan iyo markii loo doortay xilka madaxtinimo ee Hirshabeelle, waxaana dhowr jeer uu ka baaqday safarro uu ku tegi lahaa magaaladaas ee xarunta gobolka Hiiraan.