Waxaa uu dab ka kacay Guri Jiingad ah oo ku yaalla Xaafadda Sheekh Cismaan ee Galbeedka Magaalada Boorama ee Xarunta Gobolka Awdal ee deegaannada Somaliland.
Inta la xaqiijiyay waxaa dabkaasi ku geeriyooday Saddex Carruur oo Walaalo ah oo lagu kala Magacaabi jiray Deeqsan Sheekh Muuse Maxamad oo 3 Sano jir ah, Aragsan Sheekh Muuse Maxamad oo 9 Bilood jira ah & Muxumad Sheekh Muuse halka uu dhaawac culus gaaray Khaalid Sheekh Muuse.
Dadka deriska la ah Carruurta geeriyootay ayaa sheegay in aysan helin gurmadkii loo baahnaa taasi oo keentay in Carruurta ay Guriga ku gubtaan.
Ciidamada dab demiska Somaliland ayaa markii dambe tegay Guriga uu dabka ka kacay, iyaga oo ku guuleystay inay demiyaan, waxaana sidoo kale ku burburay qaar kamid ah Agabkii yaallay Gurigaasi.
Home Wararka Soomaaliya DHAGEYSO:Borama: Carruur walaalo ah oo ku geeriyooday dab ka kacay gurigooda